Sign in to follow this  
Deeq A.

Dagaal khasaaro geystay oo ka dhacay Mandheera

Recommended Posts

Deeq A.   

Mandheera (SMN) – Ugu yaraan 3 ruux ayaa lagu dilay, qaar kalena way ku dhaawacmeen dagaal dib markale uga soo cusbonaaday shalay deegaan hoostaga magaaladda Mandheera, kaas oo u dhaxeeya labo beelood oo walaalo ah.

Maleeshiyaadka dagaalamaya ayaa waxay ka soo kala jeedaan labo beel oo isku haya Dhul Daaqsin iyo Ceelal Biyo laga cabo oo ku yaalla tuulada Banisa.

Cali Roobo oo ah guddoomiyaha magaaladda Mandheera ayaa sheegay inay socdaan dedaallo lagu joojinayo dagaalka, islamarkaana lagu heshiisiinayo labada beelood ee degan Banisa.

Beelahani ayaa la sheegay in uu u dhaxeeyo dagaalka gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya, kuwaas oo inta badan ku dagaalama Dhulka Biyaha iyo dDaqsinka leh marka la gaaro xilliyada kuleylaha.

Maamulka Mandheera ayaa xiray dad lala xiriirinaya in ay huriyeen colaad beeleedka ka socda Dhulka Miyiga ah ee hoostaga magaaladaasi.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this