Deeq A. Posted May 18, 2019 Gaalkacyo (SMN) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Mudug ayaa ku warramaya in si aad ah loo xoojiyay amniga Waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolkaasi. Ciidamada ammaanka ee Puntland ayaa la galiyay heegan buuxa, waxaana howlgallo iyo baaritaano ay ka wadaan gudaha magaaladaasi. Arrintan aya salka ku heysa booqasho la filayo in gobolka Mudug uu ku tago Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Siciid C/laahi Deni. Safarkan ayaa noqonayo kii koowaad ee uu Madaxweyne Deni ku tagayo hgobolkaasi, tan iyo markii loo doortay hoggaamiyaha maamulkaasi. View the full article Share this post Link to post Share on other sites