Sign in to follow this  
Deeq A.

Qarax khasaaro geystay oo ka dhacay degmada Bardaale

Recommended Posts

Deeq A.   

Bardaale (SMN) – Ugu  yaraan labo Askari ayaa dhintay, mid kalena dhaawac ayaa ka soo gaaray, kadib markii Ciidamo ka tirsan kuwa Koonfur Galbeed maanta qarax lagula eegtay degmada Bardaale ee gobolka Baay.

Qaraxa oo ahaa Miino ayaa waxaa lagu soo warramayaa in uu haleelay Gaari Cabdi Bile ah oo ay la socdeen Ciidamadaasi.

Ilo deegaanka ah ayaa Shabelle u sheegay in qaraxa kadib Ciidamadu howlgallo kooban ay ka sameeyeen halkaasi.

Ma jiro illaa iyo hadda war rasmi ah oo ka soo baxay Saraakiisha Ciidanka maamulka K/ Galbeed oo ku aadan qaraxaasi.

Sidoo kale ma jirto cid sheegatay masuuliyadda weerarkaasi, balse inta badan Al Shabaab ayaa weeraroka fuliya gobollada Baay iyo Bakool ee K/Soomaaliya.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this