Sign in to follow this  
Deeq A.

DEG DEG: Qarax Ka Dhacay Degmada Bardaale Ee Gobolka Baay

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka naga soo gaaraya degmada Bardaale ee gobolka Baay ayaa waxay sheegayaan in qarax Miino uu goor dhow ka dhacay halkaasi, kaasi oo khasaare kala duwan geystay.

Sida uu soo sheegayo wariyaheenne Gobolka Baay, C/qaadir War Cadde, gaari nooca Cabdi Bilaha ah oo ay la socdeen askar ka tirsan K/galbeed ayaa qaraxan lala eegtay, waxaana halkaasi ku dhintay Labo askari, iyadoo askari kalena dhaawac daran uu soo daaray.

Askariga dhaawaca ah ayaa loo soo qaaday magaalada Baydhabo, iyadoo la sheegay in xaaladdiisa oo daran awgeed lagu wado in Muqdisho loo soo gudbiyo.

Ciidamada DFS iyo kuwa K/galbeed ayaa durba howlgallo ka bilaabay degmada Bardaale, iyadoo xaaladduna ay tahay mid aan deganeen.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this