Sign in to follow this  
Deeq A.

Magaalada Laascaanood oo bandow la saaray

Recommended Posts

Deeq A.   

Maamulka Somaliland ayaa saaka bandow saaray magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool kadib markii xalay laga war helay dibad-baxyo ay abaabulayaan  dhalinyarada magaalada oo looga horjeedo  xuska 18-ka May.

Ciidamo aad u fara badan oo ka kooban booliis, asluub, iyo militari ayaa saaka lagu daadiyay dhammaan jidadka iyo xaafadaha magaalada si looga hortago dibad-baxyada waxaana shacabka digniin lagu siiyay in aysan isku dayin falal amniga wax u dhimaya.

Sidoo kale saxaafadda gobolka ayaa looga digay in ay wax ka duuban cid aan ogolaansho ka haysan maamulka gobolka Sool iyo kan degmada Laascaanood ee Somaliland.

Waxa hadda gudaha Laascaanood ka socota hal munaasabad oo si weyn loo ilaalinayo taasi oo lagu xusayo maalinta 18-ka May balse qeybaha kale ee magaalada ayaa bandow la saaray.

Maanta oo kale 18-kii May 1991 ayaa gobollada waqooti galbeed ee Soomaaliya ku dhawaaqeen in ay ka go’een Jamhuuriyadda Soomaaliya waxana taariikhdaasi sannad kasta laga xusaa Somaliland.

Balse tan iyo wakhtigaas ma jirto cid Somaliland u aqoonsatay dal ka madax-bannaan jamhuuriyadda Soomaaliya.

Halkaan ka eeg sawirada

IMG_20190518_095739_874.jpg?w=1000&ssl=1 IMG_20190518_095646_105.jpg?w=1000&ssl=1 IMG_20190518_095628_325.jpg?w=1000&ssl=1 IMG_20190518_095558_218.jpg?w=1000&ssl=1 IMG_20190518_095725_333.jpg?w=1000&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Magaalada Laascaanood oo bandow la saaray appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this