Sign in to follow this  
Deeq A.

Cabsi ka taagan Laascaano iyo ciidamada Somaliland oo heegan la geliyay (Sawirro)

Recommended Posts

Deeq A.   

Laascaano (Caasimada Online)-Xiisad adag ayaa magaalada Laascaano ee gobolka Sool, waxaana heegan la geliyay ciidamada amaanka maamulka Somaliland.

Xiisadda ayaa ka dambeysay kadib markii dadka deegaanka ay ka hor yimaadeen xuska maalinta 18 May oo ku beegan maalinta Somaliland u aqoonsatay inay tahay maalinta xoriyadda Somaliland.

Dadka deegaanka ayaa lasoo baxay calanka Soomaaliya, iyaga oo sheegay inaysan maalinta 18 aysan u aqoon inay tahay maalinta xoriyadda Somaliland.

Somaliland ayaa ciidamadii ugu badnaa geysay magaalada oo maalmihii ugu dambeeyay xiisad dhanka qabiilka ku saleysan ay ka taagneyd, waxaana ciidamada la dhigay bartamaha iyo hareeraha magaalada.

Deegaanada Somaliland ayaa looga dabaal dagayaa maalinta Xoriyadda Somaliland, iyadoo Hargeysa lagu qabtay xaflad ay ka qeyb galeen masuuliyiinta Somaliland oo madaxweynaha uu ugu horeeyo.

Cabsi ayaa ka jirta magaalada, waxaana laga baqayaa inay isku dhacaan ciidamada maamulka Somaliland ee heeganka ku jiro iyo dadka deegaanka.

La soco waxii kusoo kordhaa Insha allah

60311253_2459381011006625_11343255890003 60334163_2459380927673300_29283833317645 60551752_2459381061006620_69078301239033 60591507_2459381167673276_20006184653789 60759126_2459380851006641_62954871532248

Caasimada Online
Xafiiska Somaliland
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this