Deeq A. Posted May 18, 2019 Muqdisho(SMN):–Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Masiiibooyinka Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminaya ayaa magaalada Geneva uga qeyb galay markii ugu horeysay shirka caalamiga ah ee yareynta Khataraha masiibooyinka, waxaana socdaalkiisa ku wehliyo Safiirka Soomaaliya ee dalka Switzerland iyo xubna kale oo ka socda Wasaaradda. Shirkan caalamiga ah oo ay soo qaban qaabisay QM ayaa diirada lagu saaray yareynta Khataraha masiibooyinka loo maareyn karo, Soomaaliya shirkan wax badan kaga baraneysaa wadamada kale sida ay u yareeyaan Khataraha maadaama Khataraha aysan xuduud lahayn iyo wada shaqeyn xoogan in ay la yeelato hay’adaha arrimahan ka shaqeeyo. Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta masiibooyinka DFS Xamse Saciid Xamse ayaa shirka ka jeediyey khudbad uu kaga hadalay heerarka khatarta Soomaaliya iyo sida ay maareyso, juhdiga dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay diirada u saran maareynta khataraha oo aanan lahayn xuduud. Sidoo kale Wasiir Xamse ayaa sheegay hanaanka siyaasadda yareynta khataraha iyo taaba gelinta Sendai Framework oo meel wanaagsan mareyso. Dhinaca kale Wasiir Xamse Saciid Xamse ayaa la kulmi doonaa wakiilka qaramada midoobay u qaabilsan yareynta khataraha waxuuna kala hadlo doona sidii Soomaaliya gacan wayn looga siin lahaa maareynta khaataraha oo wax xaduud lahayn. Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta masiibooyinka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa wado qorshayaal iyo talaabooyin muhiim u ah dalka si wax looga qabto Abaaraha iyo wax yabaaha dabiiciga ah ee dhaca. View the full article Share this post Link to post Share on other sites