Sign in to follow this  
Deeq A.

Somaliland oo xusaysa 18 May

Recommended Posts

Deeq A.   

Hargeysa(SMN):–Munaasabad Weyn oo loogu Dabaaldagayo 18may oo ah Maalin ay Maamulka iyo Shacabka Somaliland u aqoonsan yihiin Soomaaliya inteeda kale in ay ka go’een ayaa haatan ka socota Magaalada Hargeysa

Cutubyo Kamid ah Ciidamada Qalabka Sida ee Somaliland ayaa Dhuulatus ku samaynaya halka lagu xusayo munaasbada 18may oo uu ku sugan yahay Madaxweyne Muuse Biixi iyo Masuuliyiin kale oo katirsan Golayaasha Somaliland Sida Xukuumadda Parlamanka iyo Golaha Guurtida.

Dadweyne aad u tiro badan ayaa kusii qulqulaya halka ay munaasbadu ka dhaceyso.

Munaasabadda xuska inta ay socoto waxa halkaaasi qudbado ku qotoma Ahmiyada ay Somaliland u leedahay Maalintan ka jeedinaya Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Madaxda Kale.

Taliyaha Ciidamada Booliska Somaliland Cabdulaahi fadal iimaaan ayaa Hambalyo u diray Shacbiga Deeganada Maamulkaasi, isagoo dhinaca kale Laamaha Amniga ugu baaqay in Taxadar iyo Feejignaan dheeri ah la muujiyo inya ay Munaasbadda Xuska ah Socoto

Xuska Sanadkan ee 18may ayaa waxaa ay kusoo beegmaysaa Xili ay kala aragti Duwanaan Dhinaca Fikirka Siyaasiga ah u dhaxayso Masuuliyiinta Xilalka kahaya Somaliland.

Ciidamada Somaliland ayaa Maalmo kahor Xabsiga u taxaabay Xildhibaan Dhakool oo kamid ah Parlamanka Kadib markii uu Maalintan 18may ku Tilmaamay in uu isagu u yaqaan maalin Madow oo aan wax micnaha soo kor dhinayn.

Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Ucid Faysall Cali waraabe ayaa hadalkasi u tilmamay mid gaf ah wuxuuna sheegay hadii aan sharciga la waa fajin xildhibaankan in uusan ka badbaadayn shacabka.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this