Sign in to follow this  
Deeq A.

Kenya iyo Cuba oo Jawaab ka bixiyay dalabkii Al Shabaab ee dhaqaatiirta u afduuban

Recommended Posts

Deeq A.   

Nairobi (Caasimada Online)-Warbaahinta dowladda Kenya ayaa shaacisay in dowladda Cuba ay aqbashay bixinta dhaqaalo Madax furasho ah oo lagu sii deynayo labo dhaqtar oo u dhashay dalka Cuba, kuwaasi oo Al Shabaab u afduuban.

Dhaqaatiirtaasi ayaa Al Shabaab waxay kasoo afduubteen duleedka magaalada Mandheere ee gobolka Waqooyi Bari, waxaana ay lasoo aadeen dhanka gudaha dalka Soomaaliya.

Warbaahinta Kenya ayaa shaacisay in dowladda Kenya ay la dhacday jawaabta dowladda ay ka heshay Odayaasha dhaqanka ee shaaciyay inay Nool yihiin dhaqaatiirta u afduuban Al Shabaab.

Waxaa kaloo la sheegay in dowladda Kenya ay la dhacday hadalka kasoo baxay Al Shabaab ee ku aadan inay doonayaan lacag Madax Furasho ah, waxaana dowladda Cuba ay hadda aqbashay bixinta lacagtaasi.

Madaxda Cuba iyo Kenya ayaa si deg deg ah arintaasi uga wada hadlay waxaana labadda dhinac ay isku Afgarteen in ay bixiyaan dhaqaallaha ay dalbeen Kooxda hubeysan ee dhaqaatiirta ku heysata Soomaaliya.

Kooxda hubeysan ee heysta dhaqaatiirta ayaa dalbaday  lacag dhan $1.5Milyan oo Dollarka Mareykanka ah, islamarkaana dalabkaasi durba waxaa aqbalay Cuba iyo Kenya si loo badbaadiyo dhaqaatiirtaasi.

Kooxaha Hubeysan ayaa waxay dhaqaatiirtaasi ku hayaan Soomaaliya, waxaana jiray wadahadal ay odayaasha dhaqanka oo ka kala socday Kenya iyo Soomaaliya ay la fureen Al Shabaabka ay u afduuban yihiin.

Caasimada Online
Xafiiska Kenya
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this