Deeq A. Posted May 16, 2019 Goobjoogayaal ku sugan magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa sheegaya in haatan uu qarax ka dhacay xaafadda Al-Raxma ee degmadaasi Boosaaso. Qaraxa oo laga maqlay xaafadaha kala duwan ee magaalada ayaa sida la sheegay haleelay gaari ciidan oo wadada marayay balse weli faahfaahin dheeriya lagama hayo cidda gaariga saarneyd iyo khasaaraha gaaray midna. Saraakiisha amniga magaalada Boosaaso oo warbaahinta Puntland Post la xiriirtay ayaa xaqiijiyay in qaraxa uu dhacay iyagoo ku gaabsaday in aysan wakhtigaan faahfaahin bixin karin. Wixii soo kordha kala soco Puntland Post The post Qarax ka dhacay magaalada Boosaso appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites