Sign in to follow this  
Deeq A.

Iska hor imaad ka dhacay magaalada Laascaanood

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka ka imaanaya magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa sheegaya in caawo halkaasi uu iska hor imaad kooban ku dhexmaray askar ka wada-tirsan ciidamada Somaliland.

Iska hor imaadka dhexmaray askartaasi ka wada tirsan ciidamada Sonaliland ee ku sugan magaalada Laascaanood ayaa ilaa iyo hadda la xaqiijiyay in uu ku dhintay hal askari oo ka tirsanaa ciidanka loo yaqaanno RRU-da ee sida gaarka ah u tababaran.

Bulshada ku dhaqan xaafadaha kala duwan ee magaalada Laascaanood ayaa fiidnimadii caawo maqlay rasaas culus oo ka dhacaysay dhanka bari ee magaalada waxaana markii dambe la xaqiijiyay in ay ahayd iska hor imaad u dhexeeya ciidamada Somaliland dhexdooda.

Wixii ka soo kordha kala soco Puntland Post

The post Iska hor imaad ka dhacay magaalada Laascaanood appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this