Deeq A. Posted May 18, 2019 Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo Sabti ah kulan ku yeelanaya xarunta golaha shacabka ee Muqdisho. Kulankaan ayaa ah kulankii 15-aad ee kalfadhiga 5-aad ee Baarlamaanka Soomaaliya. Ajendaha kulanka ayaa ah 3 qodob. 1.U codeynta heshiiska caalamiga ah ee naafada. 2.Warbixinta Khasaarooyinka loo geystey shirkadaha Hormuud iyo Somtel. 3.Akhrinta labaad wax ka bedelka sharciga Saxaafadda. Puntland Post The post Xildhibaanada Baarlamaanka oo kulan ku leh Muqdisho appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites