Sign in to follow this  
Deeq A.

Jabuuti, Itoobiya, Uganda Iyo Koonfurta Suudaan Oo Ku Heshiiyay Inay Dhistaan Khad Isku Xidha Caasimadahooda

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Jabuuti)-Dalalka Jabuuti, Itoobiya, Uganda iyo Koonfurta Suudaan ayaa gaadhay heshiiskii u horreyay oo ay ku doonayaan inay ku dhistaan khad isku xidha caasimadohooda.

2019517636936781413013213_106998538_d6mz

Shir laba maalmood socday ayaa lagu soo afjarayay kormeerka lagu sameeyay hirgelinta khadka.

Dhinacyada ay khuseysay waxay ka doodeen waxyaabihii lagu soo jeediyay kormeerka iyo xalka dhismaha oo ay fulin doonto shirkad deggan fadhigeedu yahay Nairobi, inkastoo dowladda Kenya aysan qeyb ka ahayn.

Shirka oo lagu qabtay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya ayay dhinacyada ku saxiixdeen heshiiska fulinta, waxaana goobjoog ka ahayd IGAD, sida ay ku warrantay warbaahinta Fana ee Itoobiya.

Baadhitaanka hordhaca ah ayaa muujinaya in dhaqaale xoog leh laga heli doono khadka isku xidhka ah ka dib marka la hirgeliyo. Waxaana hadda laga fikirayaa sidii loogu gudbi lahaa qeybta fulinta mashruuca.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this