Sign in to follow this  
Deeq A.

Wabiga Shabelle oo ku fatahay Deegaano ka tirsan Sh/Dhexe

Recommended Posts

Deeq A.   

Mahadaay (SMN):-Wararka ka imanaya deegaanka Buulo Axmed Cigow oo ka tirsan degmada Mahaday ee gobolka Sh/dhexe ayaa sheegaya in wabiga Shabelle uu ku fatahay deegaankaas kuwo kale oo hoostaga Mahadaay, waxaana halkaasi ka barakacay dadkii degenaa.

Wabiga Shabelle oo Maalmihii ugu Danbeeyay Biyuhiisu ay kor dhayeen ayaa ku fatahay Deegaanka Buulo Axmed Cigow oo dhinaca Galbeed ka xiga  Wabiga Shabelle.

Fatahaada wabiga ayaa geysatay  qasaare lixaadleh, taasoo gaartay beeraleyda ku nool Tuulada, iyadoo uu ku fatahay qeybo kamid ah xaafado ay dadku degenaayeen islamarkaana baabi’iyay beero ay ku abuurnaayeen dalagyo kala gedisan.

Guddoomiyaha Tuulada Buulo Axmed Cabdiqaadir Muuse Cumar ayaa ka codsaday Maamulka Gobolka Sh/dhexe iyo Dowlad Goboleedka Hirshabelle in ay ka caawiyaan sidii loo xiri lahaa buqda ka fatahday deegaankaas.

Wabiga Shabelle ayaa xilliyada jiilaalka qalala halka uu xilliyada Guga iyo deyrtana uu fataho, waxaana loo aaneynayaa sababaha fatahaada inay tahay iyadoo Wabiga Salkiisa ay fadhido Ciid badan, taasoo aan laga saarin tan iyo markii ay Burburtay Xukuumadii Siyaad Barre.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this