Sign in to follow this  
Deeq A.

Dharkenley iyo Xamar Weyne oo caawa ku baratamaya Tartanka Shabelle

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Labadaani degmo oo ku wada jira Group-ka B ee is araga labaad ayaa caawa ku madlan tartan aqooneedka faca weyne ee Idaacadda Shabelle.

Dharkenley ayaa tartankii hore soo badisay, kadib markii ay isku dhaceen degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Sidoo kale Xamar Weyne ayaa horay guul uga soo gaartay dhiggeeda degmada Warta Nabadda Ex Wardhiigley ee M/Muqdisho

Tartamayaasha labada dhinac ayaa haatan isu diyaarinaya ka qeyb galka barnaajimka caawa.

Xalay oo ay wada baratameen degmooyinka Howlwadaag iyo Kaxda ayaa waxa ay guushu raacday tartamayaasha Howlwadaag oo la yamid dar dar xoogan.

Degmooyinkan ayaa u dambeeyay Group-ka A ee is araga labaad ee tartanka bisha barakeysan ee Ramadaan.

Taaba gelinta sanadkan tartan aqooneedka Shabelle waxaa iska kaashanaya shirkadaha Beco iyo Coca-Cola

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this