Sign in to follow this  
Deeq A.

Somaliland oo xal uraadinaysa Xiisad ka taagan Laascaanood

Recommended Posts

Deeq A.   

Laascaanood(SMN):– Wafuud ay hogaaminayaan Saraakiil ka tirsan Ciidamadda Maamulka Gooni isku taaga ah ee Somaliland ayaa maanta gaarey Magaaladda Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool.

Ujeedada Socdaalkooda Saraakiishan ka tirsan Somaliland waxaa lagu sheegay in ay xalinayan Xiisad xalay ka dhacdey Magaaladasi oo ah Dagal u dhaxeeya Ciidamo kawada tirsan Maamulka.

Qasaaraha halkaasi ka dhashey iyo sababta kicisay xiisada, inkastoo aan la shaacin ayaa hadana Maamulka Somaliland waxa uu wadaa waan waan ku aadan arintaasi xili Maalinta Bari ah lagu wado deeganada Soomaaliland in looga Dabaaldago 18may oo ah Maalintii ay ku dhawaaqeen Hogaanka Maamulkasi gooni isku taaga.

Saraakiisha Gaarey laascaano ayaa Magaaladaasi ka bilaabay kulamo gaar gaar ah oo ay ugu kuurgalayaan xiisada.

Arintan ayaa kusoo beegmaysa xili ay wali taagan tahay xiisada u dhaxeysa Maamuladda Somaliland iyo Puntland oo ay Ciidamadoodu isku hor fadhiyaan Deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this