Sign in to follow this  
Deeq A.

Dhaqdhaqaaqyo Ciidan oo ka socda Nawaaxiga Deegaan ay Al Shabab haystaan

Recommended Posts

Deeq A.   

J/Hoose (SMN):-Wararka laga helayo Gobolka Jubadda Hoose ayaa sheegaya in Deegaano ka tirsan Gobolkaasi ay dhaqdhaqaaqyo Militari ka wadaan Ciidamo Huwan ah oo Ka tirsan Jubaland iyo Kenya.

Howlgaladan ayaa  waxaa looga gol leeyahay sida ay Shabelle u xaqiijiyeen Ilo Xog-ogaal ah sidii Al Shabaab looga saari lahaa meelaha ay kaga sugan yihiin Gobolkaasi iyo kuwa kale ee Jubooyinka iyo Gedo.

Xoogag taabacsan Xarakadda Al Shabaab ayaa shalay gacanta ku dhigay Deegaan lagu magacaabo Diif oo hoostaga Gobolka Jubadda Hoose ee Maamulka Jubaland.

Al Shabaab ayaa soo dhigey Barahooda Internetka in ay Deegaankaasi kala wareegen Ciidamadda Maamulka Jubaland, xili uusan wax dagaal ah dhexmarin.

Sidoo kale Al Shabaab ayaa tilmaamay in ay Ciidamada Maamulka Jubaland kala wareegen Saldhigyo ku yaala Deegaanka iyo Saanad Ciidan.

Dhinaca Kale majirto wax war ah oo kazoo baxay Jubaland oo ku aadan Deegaanka Diif ee Gacanta looga Dhigay.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this