Deeq A. Posted May 17, 2019 Muqdisho (SMN):– Taliye ku xigeenka Ciidamadda Booliiska Soomaaliyeed Sarreeye-Guuto Zakiyo Xuseen Axmed oo ka warbixinaysay falalkii Amni daro ee saacadihii ugu danbeeyay ka dhacey muqdisho ayaa shaaca ka qaaday Boolisku gacanta in ay kusoo dhigeen 20 ruux oo looga shakisan yahay Alshabaab. Zakiyo waxaa ay sidoo kale sheegtay Laamaha amnigu in ay Bakaaraha ku toogteen nin isku day dil damacsanaa, islamarkaana dhinaca kale ay gacanta kusoo dhigeen Nin isna lagu eedeaynayo in uu Qarax ku xiray Gaari nooca yar ah oo ku qarxay Wadada Maka Almukarama gaar ahaan nawaaxiga Ex Shaleemadii Soomaaliya. Dhinaca kale Taliye ku Xigeenka Booliska Soomaaliyeed ayaa shacabka uga Digtay in ay Guryahdooda ka kireeyaan Shaqsiyaad aysan ahayntooda aqoon, hadii ay taasi dhacdana waxaa ay hoosta ka xariiqday Gurigiii lagu qabto Xubin ka tirsan xoogaga Dowladda kasoo horjeeda ama Walxo lidku ah Amniga in sharciga la horgeyndoono. Taliye ku xigeenka ayaa Intaas raacisay boolisku in aysan aqbalayn banaanbaxayo ay sharci daro ku tilmamatay oo mararka qaar ay muqdisho ka dhigaan dad muujinaya afkaartooda Howlgaladan ayaa imaanaya xili saacadihii ugu danbeeyay ay muqdisho ka dhaceen falal amni daro oo kala duwan. View the full article Share this post Link to post Share on other sites