Sign in to follow this  
Deeq A.

Booliska oo ka digay Banaanbaxyadda lagu qabto Muqdisho.

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN):– Taliye ku xigeenka Ciidamadda Booliiska Soomaaliyeed  Sarreeye-Guuto Zakiyo Xuseen Axmed oo ka warbixinaysay  falalkii Amni daro ee saacadihii ugu danbeeyay ka dhacey muqdisho ayaa shaaca ka qaaday Boolisku gacanta in ay kusoo dhigeen  20 ruux oo looga shakisan yahay Alshabaab.

Zakiyo waxaa ay sidoo kale sheegtay Laamaha amnigu in ay Bakaaraha ku toogteen nin isku day dil damacsanaa, islamarkaana dhinaca kale ay gacanta kusoo dhigeen Nin isna lagu eedeaynayo in uu Qarax ku xiray Gaari nooca yar ah oo ku qarxay Wadada Maka Almukarama gaar ahaan nawaaxiga Ex Shaleemadii Soomaaliya.

Dhinaca kale Taliye ku Xigeenka Booliska Soomaaliyeed ayaa shacabka uga Digtay in ay Guryahdooda ka kireeyaan Shaqsiyaad aysan ahayntooda aqoon, hadii ay taasi dhacdana waxaa ay hoosta ka xariiqday Gurigiii lagu qabto Xubin ka tirsan xoogaga Dowladda kasoo horjeeda ama Walxo lidku ah Amniga in sharciga la horgeyndoono.

Taliye ku xigeenka ayaa Intaas raacisay boolisku in aysan aqbalayn banaanbaxayo ay sharci daro ku tilmamatay oo mararka qaar ay muqdisho ka dhigaan dad muujinaya  afkaartooda

Howlgaladan ayaa imaanaya xili saacadihii ugu danbeeyay ay muqdisho ka dhaceen falal amni daro oo kala duwan.

 

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this