Deeq A. Posted May 17, 2019 Muqdisho (SMN) – Barnaamijka Tartan Aqooneedka Shabelle waxaa xalay isku arkay degmooyinka waa weyn ee Howlwadaag iyo Kaxda oo ka wada tirsan gobolka Banaadir. Labada degmo oo ku wada jiray Groupka A ee is araga labaad ee tartanka ayaa waxa ay soo bandhigeen tartan aad u xiiso badan. Guddoomiyaha gudiga tartan aqooneedka Shabakadda Warbaahinta Shabelle Maxamed Axmed Jimcaalle oo natiijadda ku dhawaaqay ayaa sheeciyay in Kaxda looga awood roonaaday tartankii xalay. Caawa waxaa isaga hor imaan doona tartan aqooneedka Shabelle degmooyinka Dharkenley iyo Xamarweyne oo ka wada tirsan gobolka Banaadir. Labadaani degmo ayaa ku wada jira Groupka B ee is araga labaad wareega koowaad ee Tartanka bisha barakeysan ee Ramadaan. Taaba gelinta sanadkan ee baratanka Shabelle waxaa si wadajir ah u bixinaya Shirkadaha Becco iyo Coco-Cola. View the full article Share this post Link to post Share on other sites