Sign in to follow this  
Deeq A.

Dadka Muqdisho guryaha ku leh hal arrin looga digay

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa Shacabka Muqdisho ee guryaha leh uga digay in ay guryahooda ay ka kireeyan Shaqsiyaad aysan aqoon oo aysan soo marsiin taliska degmada iyo Xaafadda ay degan yihiin.

Taliye ku xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sakiyo Xuseen ayaa sheegtay in shaqsigii lagu qabto guri uu leeyahay oo ay degan yihiin Al-Shabaab in ay la wareegi doonaan Gurigaasi.

Taliyaha ayaa xustay in Mas’uuliyad weyn ay saaran tahay dulaalka Guryaha Kireeya, islamarkaana haddii uusan kasoo diwaangalin waaxda iyo degmada Mas’uuliyadda dhibaatadda uu geysto qofkaasi uu qaadi doono.

Maalmihii ugu dambeeyay ayay sheegtay in xubno badan oo ka tirsan Al-Shabaab laga soo qabtay Muqdisho, islamarkaana dhammaantooda ay ku sugnaayeen guryo laga kireeyay oo aan la soo marsiin Taliska Booliska degmada.

Ciidanka Booliska ayay sheegtay in ay sii wadi doonaan howlgallada ay kula dagaallamayaan Al-Shabaab, waxaana ay shacabka ka codsatay in ay la shaqeeyaan Ciidanka Booliska.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this