Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada XOOGA oo Burburiyay Saldhig Al Shabaab ku lahaayeen Koofurta Somalia

Recommended Posts

Deeq A.   

Garbahaareey (Caasimada Online)-Ciidamada xooga dalka Soomaaliya ayaa weerar ku qaaday saldhig Ururka Al Shabaab ku Lahaayeen duleedka degmada Garbahaareey ee gobolka Gedo.

Saraakiisha ciidamada xooga dalka ayaa sheegay in saldhiga Al Shabaab oo ku yaala duleedka degmada Garbahaareey uu 19 KM uu kaga beegnaa dhanka waqooyi ee magaalada.

Burburka Saldhiga ayaa waxaa ka dhashay khasaaro kala duwan uu gaaray xubno ka tirsan Al Shabaab oo ku sugnaa saldhiga, sida saraakiisha ay sheegeen.

Taliyaha ciidamada Lugta ee dowladda Soomaaliya Generaal Odowaa ayaa xaqiijiyay in weerarka uu ahaa mid horey looga shaqeeyay oo lagu bartilmaameydsaday saldhig Al Shabaab ku leeyihiin Gedo.

“Ciidammada Xoogga Dalka ayaa bur buriyey Saldhig ay Argaggixisada Al-Shabaab ku lahaayeen deegaan 19 KM dhanka Waqooyi ka xiga magaalada Garbahaareey Sida uu u xaqiijiyey Taliyaha Ciidammada Dhulka General Odowaa”sidaasi ayaa lagu shaaciyay wakaalada wararka Soomaaliya.

Weerarka Saldhiga Al Shabaab lala eegtay ayaa imaanaya iyadoo sidoo kale ciidamada xooga ay weeraro ka fuliyeen deegaano ka tirsan Shabeelaha Hoose, weeraradaasi oo lala eegtay Al Shabaab.

Al Shabaab ayaa lumiyay deegaano badan oo ay maamuli jireen oo ku yaala gobolada Koofurta Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Gedo
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this