Sign in to follow this  
Deeq A.

Sidey Al Shabaab ku dileen Taliyihii Sirdoonka degmada Garbahaareey ?

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Ururka Al Shabaab ayaa ka hadlay Weerar ka dhacay duleedka degmada Garbahaareey ee gobolka Gedo, kaasi oo sababay dhimasho iyo dhaawac gaaray dhinacyada dagaalamay.

Ururka Al Shabaab ayaa sheegay in dagaalkaasi ay ku dileen taliyihii Sirdoonka degmada Garbahaareey ee gobolka Gedo, kaasi oo magaciisa lagu koobay Korneyl Salaad Cagalaab.

Al Shabaab ayaa sheegtay in dagaal ay ku dileen taliye Cagalaab uu ka dambeeyay kadib markii weerar xoogan ay gelinkii dambe ee shalay ay kala kulmeen ciidamada Jubbaland oo garab ka helaya ciidamada Ethiopia, waxaana dhankooda looga dilay xubno kale.

Al SHabaab ayaa sheegay in dagaalka uu ka bilowday kadib markii ciidmada Jubbaland ay jid gooye u dhigteen gaadiidka dadweynaha, islamarkaana iyaga oo ka jawaabaya arintaasi ay weerareen ciidamada Jubbaland.

Balse warar soo baxaya ayaa sheegaya in dagaalka uu daba socday weerar habeen hore lagu qaaday Al Shabaab kaasi oo ku dhawaad 8 xubnood looga dilay, iyaga ay rogaal celis ahaan u weerareen goob ay ku sugnaayeen ciidamada isku dhafka ah.

Al Shabaab ayaa sidoo kale sheegay in dagaalka ay ku dileen 7 kamid ah ciidamada maamulka Jubbaland.

Al Shabaab ayaa ku eedeeyay in taliyaha ay dileen uu ahaa shaqsiyaadkii sababay in ciidamo Ethiopian ah la geeyo deegaanada gobolka Gedo, islamarkaana uu si dhow ula shaqeyn jiray ciidamada Ethiopia.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhanka Jubbaland oo ay kaga jawaabayaan hadalka Al Shabaab ee ku aadan inay dileen taliyihii Sirdoonka degmada Garbahaareey.

Caasimada Online
Xafiiska Jubbaland
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this