Sign in to follow this  
Deeq A.

Muj. Maxamuud Ileeye oo ka war bixiyay shirka jaaliyada bariga Hargeysi ay ku qabsanayaan Birmingham

Recommended Posts

Deeq A.   
0_photo-300x300.jpg

 

Muj. Maxamuud Ileeye oo ka mid ah qurba jooga ka soo jeeda bariga Hargeysa ee degan dalka Ingriiska oo caawa fiidkii warbixin kooban siiyay shabakada qarannews, ayaa si guud uga waramay shir ay jaaliyada reer UK- ee ka soo jeeda deegaanadiisu ay ku qabsan doonaan magaalada Birmingham ee badhtamaha dalka Ingriiska.

Muj Maxamuud ileeye waxa uu sheegay in shirkaasi uu dhici doono bisha Lixaad 15keeda kana qabsoomi doono magaalada Birmingham ee dalka Ingriiska oo uu sheegay in ay ku nool yihiin jaaliyad balaadhan oo ka soo jeeda bariga Hargeysa, waxana uu sheegay in shirkaasi uu qorsho kaliya leeyahay oo u gaar ah jaaliyada ku dhaqan dalkan Ingriiska oo aan mudo aad u dheer kulmin, waana sidii la isaga war hayn lahaa ee wax loo wada qabsan lahaa intayada xagan ku wada nool oo aanu noqon lahayn dad aad isga war haya kala daadsanaan badan ayaa hada muuqata oo gudahayga ah. Waxana jirta in la doonaayo in dhamaan qurba jooga deeganka oo dhan la mideeyo si deegaanadii jaaliyadu ka soo jeedo wax loogu qaban lahaa kuwaasi oo ay ugu horeeyaan biyaha, waxbarashada iyo caafimaadka, taasi oo ayna haba yaraatee wax siyaasad ahi ku jirin

Waxa uu sheegay in aan haba yaraatee aanu shirkani wax siyaasad ah aanu lug ku lahayn, waxna aanu si toos ah shirkaasi ugu marti qaadanynaa warbaahinta qarannews, waxna aanu idin siin doonaa wararka aanu baahin doono.

Muj. Maxamuud Ileeye ayaa ka mid ahaa ragii dalka Somaliland dib u soo celiyay xoriyadii luntay 1960-kii waana shaqsi aad looga tix galiyo guud ahaan jaaliyadaha reer Somaliland ee ku dhaqan dalka Ingriiska gaar ahaan Lonodon

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this