Deeq A. Posted May 16, 2019 Xaaji Cabdi La Xabaalye, Maxeynu Ku Xusuusanaa Umad waliba waxey leedey dad tacab galiyey danta guud, shacabkana tadxiyad(sucriface) ama naf-u hurid bilaash ah gashaday. Tanina waxey u noqotaa dadweynaha halbeeg wax Ku qaadasho, hadii ay tahey samafal, maal-galin, tacliin, halgan dagaal ama naf-hurid. Bulshadana kolba waayaha soo mara kaga talo-qaadato go’aamada lasoo gudboonaada duruufaha nolosha ee Kala duwan. Sidoo kale bulshooyinku waxay soo Kala dhaxlaan shaqsiyaad kutari kuteen ah oo iyana hawl-maalmeed kooda qaar Ku Buuxiyaan, sida Araweelo, Dhagdheer iyo Cigaal Shidaad oo caruurta Lagu maaweeliyo. Hadii aynu tusaale kooban is xusuusino, dalal Kala duwan oo aduunka ah. Maatis Toong dalweynaha China waxa uu yahey aabaha ruuxiga ah ee qarankooda aasaasey, tusaale halgan Sidoo kale Maxamed Iqbaal pakistan u yahey aabaha dhaqanka iyo jirtaankooda(identity). Halka caalimkii Ibnu-Khalduun u yahey dalalka north of Africa khaasatan astaan aqooneed ay Ku faanaan. Gifaara(Che Guevara) waa astaanta halgan dhamaan dalalka central iyo Latin America iyo kacaanada Ka curta inta badan aduunka sadexaad. Halka Maxamed Cali Kiley iyo Pele yihiin tasaalayaasha ciyaaraha (sports). Hoos aan usoo dego, SL wey leedey dadkaas oo dhan Eebe na waa ugu deeqey shaqsiyaadkaas oo geedo dhaadheer ah. Tusaale ahaan, tacliin Maxamuud Ahmed Cali. Siyaasad M. I. Cigaal. Halgan Lixle. Fanka Cali Sugule. Tusmo halku dhag Timacade iyo Hadraawi. Diin Sheekh Madar. Hanuunin Sh. Dirir . Wax u sheegid Sh. Mustafe X. Ismaciil, astaan samafal Adna Adan. Astaan nabadeed waana Xaaji Cabdi waraabe. Hadaba marka laga reebo Cigaal Timacade iyo Sheekh Madar oo Hargeysa Airport iyo Gabiley university iyo Sheekhul loogu Baladka Hargeysa loogu magac darey inta kaleba waa Ku dulmanyiin bulshada SL. Waxa xusid mudan mararka qaar tusmooyinka Qaran in cidkale lasiiyo. Tusaale ahaan manhajka school-da SL taariikhdii halgan SNM waxa Ku xusan kaliya Muuse Biixi. Yeelkeedee, X. Cabdi Waraabe waxa UU Ku xardhanyey nabada maanta SL Ku naalooneyso oo ah waxa kaliya ee aynu iibgeyno. Hadaba, Xaajigu, khaanadee baa mudan in dhigo? Waxa soo ifbaxaya, in magacaa weyn ee inaga baxey Lagu sadqeeyo conflict studies department, @ waa Xarunta laga barto xalinta khilaafaadka ee Jaamacada Hargeysa, xaruntaas oo xataa Madaxweyne Muuse Biixi kasaarey in uu CV giisa uu kudaro halka geel-jireen sanad ah CV giisa Ku darsadey. (b) Xaruntan waxa maalgalisa UNDP waxa Lagu dhigaana dhamaan waa Ka duwanyey dhaqanka somalidu wax u nabadeyso. (C) Xaaji Cabdi Waraabe waxa uu ahaa shaqsiyad guud, muu aheyn mid acadamic ah ama cilmi baadhe xalinta khilaafaadka. Ugu dambeyntii Xaaji Cabdi maloogu magac dari doonaa caasimada Hargeysa sidii bishii hore Kazakhistaan madaxweynihii aasaasey ee iscasiley caasimadeeda loogu magac darey, oo Asitanah laga badaley Nuur Suldaan na loo bixiyey. (2) maloogu magac dari doonaa golaha guurtida SL oo ma loo bixin doonaa golaha Sare ee Xaaji Cabdi (3) malaga dhigi doona sumada astaamaha dicumentska xukuumada SL hadii noqon laheyd, shaambadaha teeda qoyan iyo teeda qalalan EE shahaadooyinka Lagu cardholder (dry stamp) iyo sawirka lacagta. Mise sidii halyeeyadii hore ayaa dust bin-Ka Lagu ilaawi doonaa. Maanta Madaxweynaha joogaa looga fadhiya, in uu ka dhabeeyo iyo in kale. Maxamuud Biixi Axmed Qaran News Share this post Link to post Share on other sites