Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro:-Hay’adda Hormuud Tellcome Foundation oo Maanta Qoysas Danyar ah Deeq lacageed ugu Qaybisay Magaaladda Muqdisho.

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho ( SMN):- Hay’adda Hormuud Telecome Foundation ayaa Maanta Magaaladda Muqdisho Lacago ugu Qaybiyay Qaar ka Mid ah Qoysaska Danta yar ee ku dhaqan Magaaladda Muqdisho.

Qoysaskan ayaa waxaa laga soo Aruuriyay Qaar ka Mid ah Xaafadaha Degmooyinka Gobalka Banaadir,iyadoo qeybinta Deeqdan loogu talagalay in ay uga Faa’ideystaan Gudashada Fadliga Bisha Barakeysan ee Ramadaan.

Madasha lagu qeybinayay Deeqdan ayaa waxaa ku sugnaa Xildhibaano ka tirsan Golaha shacabka Baarlamaanka Soomaaliya iyo Masuuliyiinta Hay’adda Hormuud oo deeqdan Maanta qeybisay.

Qaar ka Mid ah Dadka la siiyay Deeqda Lacageed ayaa Madaxda Hay’adda Hormuud Foundation uga mahad celiyay Caawinta gar gaarka oo ay ku tilmaameen in lagu soo beegay xiligi ay u baahnaayeen.

Gudoomiyaha Hormuud Tellcome Foundation Mudane Cabdullaahi Cismaan Nuur ayaa Madasha ka sheegay in Deeqdan ay qeyb ka tahay deeqo Caawinaad ah oo ay shirkadan ugu talagashay Dadka dhibaateysan ee ku nool Degmooyinka Gobalka Banaadir.

Sidoo kale Gudoomiyaha ayaa shegay in ay ku dadaali doonaan sidii ay usoo kordhin lahaayeen Deeqaha Caynkaan oo kala ah ee  ay siinayaan Dadka aan waxba heysan ee ku dhaqan Magaalada Muqdisho.

Xildhibaan Khaalid Macow oo ka mid ah Mudanayaasha Golaha shacabka Dalka ayaa Madaxda Shirkadda Hormuud Foundation uga mahad celiyay in ay mar walba u taagan yihiin sidii ay u caawian lahaayeen dadka gar gaarka u baahan ee ku nool Gobalka Banaadir iyo Gobolada Dalka oo dhan.

Sidoo kale Xildhibaan Khalid Macow ayaa sheegay in Dadka Maanta la siiyay Deeqda ay ka mid ahaayeen Dadka gar gaarka noocaan oo kale ah u baahan ee ku nool Magaalada Muqdisho.

Qeybintan ayaa qeyb ka noqoneysa Caawinaad ay Hay’adda Hormuud Foundation ka waday Guud ahaan Gobalka Banaadir iyadoo lagu caawinayo Dadka Danta yar iyo kuwa Tabaaleysan ee ku Nool Muqdisho si ay uga faa’ideystaan Fadliga Bishara Barakeysan ee Ramadaan.

60714638_2521966951182533_1642806174468276224_n 60318686_2521967274515834_5961606553231425536_n 60340298_2521966847849210_3686520217141248000_n 60360035_2521966684515893_1303768203515658240_n 60480027_2521967171182511_4634756869049548800_n 60509455_2521967041182524_3897812395988353024_n 60676282_2521966757849219_7820608977514790912_n

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this