Sign in to follow this  
Deeq A.

Alshabaab iyo Ciidamada Dowladda oo ku diriray Deegaanka Bariire.

Recommended Posts

Deeq A.   

Bariire (SMN): – Faafaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar ay Dagaalyahano katirsan Xarakadda Alshabaab ku qaadeen barqadii Maanta Deegaanka Bariire ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Dagaal Culus ayaa Alshabaab iyo Ciidamada Dowladda ku dhexmaray gudaha Deegaanka Bariire sida ay Idaacadda Shabelle ee Magaaladda Muqdisho u xaqiijiyeen Ilo-Deegaanka ah.

Sidoo kale Qarax loo adeegsadey Miinada Dhulka lagu aaso ayaa ka dhacey gudaha Bariire intii uu iska hor’imaadku socdey.

Ilaa iyo Hadda lama xaqiijin karo qasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka labadda dhinac iyo Qaraxa ka dhacey Deegaanka Bariire ee Gobolkaasi.

Ciidamada Dowladda ayaa dhawaan Alshabaab kala wareegay Deegaanka Bariire oo kamid ahaa goobaha muhiimka u ah, waxaana xiliyo kala duwan ay Alshabaab Ciidamada Dowladda kusoo qaadayeen Dagaalo toos ah iyo madaafiic.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this