Sign in to follow this  
Deeq A.

Kenya oo ka digaysa Qatar dalkeeda kasoo wajihi karta Alshabaab.

Recommended Posts

Deeq A.   

Kenya (SMN): – Booliska Kenya ayaa ugu baaqay muwaadiniinta dalkaasi inay sameeyaan feejignaan dheeri ah inta lgu guda jiro bishan barakeysan ee Ramadan-ka.

Charles Owino, oo ah afhayeenka ciidamada booliska Kenya ayaa sheegay in la xoojin doono amaanka goobaha ay ku cibaadeystaan Musliinta si ay si nabdoon ugu gutaan salaadaha, sidoo kalena looga hortago weeraro suurtagal ah in Al shabaab ku qaado kaniisadaha ku yaalla dalkaasi.

“Si Ramadan-ka ay dadka ugu dhameystaan si nabad ah, sidoo kalena ay xasilooni ku ciidaan, waxaa la adkeyn doonaa amaanka, iyadoo ciidamo la geyn doono meelaha muhiimka ah ee ku  yaalla magaalooyinka dalkeena iyo deegaanada ku yaalla xadka Soomaaliya,” ayuu yiri Afhayeenka Booliska Kenya.

Afhayeenka ayaa intaasi ku daray in tallaabooyinkan looga golleeyahay inay ka hortagaan weerarada Al Shabaab ay bisha Ramadan-ka ka fuliso Kenya.

Wuu sheegay in bishii Ramadan ee sanadkii 2014 ay Al shabaab ay ku dishay Kenya 150 qof kadib weeraro badan oo ay ka fulisay degaanada xeebta ku yaalla ee gobolka Lamu.

Arintan ayaa imaanaysa kadib markii Al shabaab ay sheegtay inay u aargudi doonto dadkii Muslimiinta ee lagu laayay labada masjida ee dalka New Zealand kuwaasoo gaarayay in ka badan 150 qof.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this