Sign in to follow this  
Deeq A.

Nin Dhaawacey Askari oo lagu Toogtay Muqdisho.

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN): – Wararka laga helay Isgoyska Bakaaraha ee Magaaladda Muqdisho ayaa sheegaya  in Rag hubaysan ay halkaasi  ku Dhaawaceen Askari ka tirsan ciidamadda Dowladda.

Ciidamo ku sugnaa Goobta iyo kooxdii weerarka soo qaadey ayaa israsaaseeyay, waxaana halkaasi ku dhintay mid kamid ah Dableydii Askariga Dowladda Dhaawacdey.

Ragan oo la sheegay in ay ahaayeen 2 Ruux islamarkaana ay wateen Mootadda labadda lugood leh ayaa goobta ka baxsadey marka laga reebo midkii ay Ciidamadu toogteen.

Saraakiil ka tirsan laamaha Amaanka ayaa Idaacadda Shabelle u xaqiijiyey in xubnahan ay ka tirsanayeen Xarakadda Alshabaab, islamarkaana ay doonayeen in ay ka taqalusaan Askariga Dhaawacmey.

Dhanka kale Qarax lagu xiray Gaari yar ayaa Maanta ka dhacey nawaaxiga Shaleemo Soomaaliya Wadada Maka-Almukarama ee Magaaladda Muqdisho.

Dad goob joogayaal ah ayaa Shabelle u sheegay in wax qasaaro ah uusan geysan qaraxaasi oo la sheegay in uu lahaa Gaariga lagu dhajiyey Nin ka howlgala Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya.

Ciidamadda Amaanka ayaa gacanta ku dhigay nin ay uga shakiyeen in uu isagu ku xiray qaraxa Gaariga Sarkaalkaasi Hey’adda Socdaalka ka tirsanaa.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this