Deeq A. Posted May 16, 2019 Bari (SMN):– Roobab Mahiigaan ah oo saameeyay Nolasha Qoysas Soomaali ah ayaa ka da’ay Gobolada Bari, Sanaag, iyo Toogdheer waxa ayna geysteen Qasaaro naf iyo Maal leh. Tuulo u dhaw Deegaan lagu Magacaabo Waaciye oo katirsan Gobolka Bari ayaa Roob ka da,ay waxa la sheegay in uu sababay Geerida 3 Caruur ah oo walaalo ah. Ismaaciil Cabdi Ciise oo ah aabaha dhalay Caruurtan ayaa sheegay in Gurigooda uu kuyaala meel Tog dhiniciis ah ay soo galeen daadad si xawli ah ku socdey islamarkaana ay la tageen Caruurtaasi iyo 147 Neef oo ari ah Sidoo kale Roobab Saacadihii lasoo dhaafey ka da’ay Goboladda Sanaag, iyo Togdheer ayaa waxaa ay sababeen qasaaro hantiyeed. Degmada Baran oo katirsan Gobolka Sanaag roobab kaasi waxaa ay ka dumiyeen ku dhawad 200 oo Guri, sidoo kale Magalada Burco xaafaddo ka tirsan waxaa Gudaha u galay Biyo si xawli ah ku socdey, kuwaaso cagta mariyey Hanti halkaasi tiilay. Maalmo kahor ayey ahayd Markii ay 5 ruux ku Geeriyoodeen Roobab Mahiigaan ah oo ka da,ay Magalada Hargeysa ee Gobolka Waqooyi Galbeed, 9 kalena ay ku dhaawacmeen, Dadkaasi Qaar kamid ah waxaa saameeyay Koronto, halka kuwa kale ay xiligaasi ku dhex jireen Baabuur ay biyuhu qaadeen. View the full article Share this post Link to post Share on other sites