Sign in to follow this  
Deeq A.

Dad ku dhintay Roob ka da,ay Gobolka Bari.

Recommended Posts

Deeq A.   

Bari (SMN):– Roobab Mahiigaan ah oo saameeyay Nolasha Qoysas Soomaali ah ayaa ka da’ay Gobolada Bari, Sanaag, iyo Toogdheer waxa ayna geysteen Qasaaro naf iyo Maal leh.

Tuulo u dhaw Deegaan lagu Magacaabo Waaciye oo katirsan Gobolka Bari ayaa Roob ka da,ay waxa la sheegay in uu sababay  Geerida 3 Caruur ah  oo walaalo ah.

Ismaaciil Cabdi Ciise oo ah aabaha dhalay Caruurtan ayaa sheegay in Gurigooda uu kuyaala meel Tog dhiniciis ah ay soo galeen daadad si xawli ah ku socdey islamarkaana ay la tageen Caruurtaasi iyo 147 Neef oo ari ah

Sidoo kale Roobab Saacadihii lasoo dhaafey ka da’ay Goboladda Sanaag, iyo Togdheer ayaa waxaa ay sababeen  qasaaro hantiyeed.

Degmada Baran oo katirsan Gobolka Sanaag roobab kaasi waxaa ay ka dumiyeen ku dhawad 200 oo Guri, sidoo kale Magalada Burco xaafaddo ka tirsan waxaa Gudaha u galay Biyo si xawli ah ku socdey, kuwaaso cagta mariyey Hanti halkaasi tiilay.

Maalmo kahor ayey ahayd Markii ay 5 ruux ku Geeriyoodeen Roobab Mahiigaan ah oo ka da,ay Magalada Hargeysa ee Gobolka Waqooyi Galbeed, 9 kalena ay ku dhaawacmeen, Dadkaasi Qaar kamid ah waxaa saameeyay Koronto, halka kuwa kale ay xiligaasi ku dhex jireen Baabuur ay biyuhu qaadeen.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this