Sign in to follow this  
Deeq A.

Australia Oo Ka Mamnuucday Wadista Taksiga Haweeney Soomaali Ah Iyo Sababta

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Haweenay Soomaali ah ayaa cashuurtii Taksi wadista lagala noqday ka dib markii ay gashay illaa 30 khalad, iyadoo xataa mar nin indhoole ah oo rakaab u ahaa waydiisatey inuu jidadka iyo jihooyinka u kala sheego.

2019516636935683024445146site_197_Somali

Haweenaydan oo 69 jir ah ayaa ka shaqeynaysey magaalada Melbourne , waxaa lagu magacaaba Xaawo Cad ayaa iminka laga mamnuucay inay gebi ahaanba gaadhi kexeeyso, kaddib markii lagu qabtay dembiyo ay ku jiraan xawaara dhaaf, baasidda samaafare shidaya nalka cas iyo iyadoo gaadhiga ku wadda carruur aan suunka u xidhnayn.

Xaawo, ayaa hore siddeed jeer arrimahan oo qudha loogu maxkamadeeyay, iyadoo lagu helay 27 dembi oo dhanka gaadhi wadista ah, islama markaana ay saddex jeer tillaabo ka qaadeen guddiga anshax marinta jidadka.

Waxyaabaha kale ee lagu haysto waxaa ka mid ah dhowr mar oo ay rakaabku kasoo cowdeen, midkood wuxuu xitaa ahaa nin indhoole ah oo ay waydiisatey inuu jihooyinka u tilmaamo iyadoo diiddey inay adeegsato GPS ama ay kaash aqbasho.

Illaa 19 jeer ayaa la sheegay in la qabtay iyadoo xawaareynaysa, shan jeerna waxay ka gudubtey nal cas, waxaa inta dheer mararka qaar inay diidday inay seed bixiso ama daarato nalalka hore.

Haweenaydan waxaa ay ahayd qofka kaliya ee dumarka ah oo ka soo jeedda Soomaaliya oo Taksi ku ka xeysa muddo dheer magaalada Melbourne ee dalka Australia.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this