Sign in to follow this  
Deeq A.

Hormuud Foundation oo deeq lacageed Xamar ugu qaybisay qoysas danyar ah

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Hay’adda Hormuud Telecome Foundation ayaa Maanta Magaaladda Muqdisho ugu Qaybiyay deeq lacageed Qaar ka Mid ah Qoysaska Danta yar ee ku dhaqan Magaaladda Muqdisho.

Qoysaskan ayaa waxaa laga soo Aruuriyay Qaar ka Mid ah Xaafadaha Degmooyinka Gobalka Banaadir,iyadoo qeybinta Deeqdan loogu talagalay in ay uga Faa’ideystaan Gudashada Fadliga Bisha Barakeysan ee Ramadaan.

Madasha lagu qeybinayay Deeqdaan ayaa waxaa ku sugnaa Xildhibaano ka tirsan Golaha shacabka Baarlamaanka Soomaaliya iyo Masuuliyiinta Hay’adda Hormuud oo deeqdan Maanta qeybisay.

Qaar ka Mid ah Dadka la siiyay Deeqda Lacageed ayaa Madaxda Hay’adda Hormuud Foundation uga mahad celiyay Caawinta gargaarka oo ay ku tilmaameen in lagu soo beegay xiligi ay u baahnaayeen.

Gudoomiyaha Hormuud Telecome Foundation Mudane Cabdullaahi Cismaan Nuur ayaa Madasha ka sheegay in Deeqdan ay qeyb ka tahay deeqo Caawinaad oo ay shirkadaan ugu talagashay Dadka dhibaateysan ee ku nool Degmooyinka Gobalka Banaadir.

Sidoo kale Gudoomiyaha ayaa sheegay in ay ku dadaali doonaan sidii ay usoo kordhin lahaayeen Deeqaha Caynkaan oo ay siinayaan Dadka aan waxba heysan ee ku dhaqan Magaalada Muqdisho.

Xildhibaan Khaalid Macow oo ka mid ah Mudanayaasha Golaha shacabka Dalka ayaa Madaxda Shirkadda Hormuud Foundation uga mahadceliyay in ay mar walba u taagan yihiin sidii ay u caawin lahaayeen dadka ga gaarka u baahan ee ku nool Gobalka Banaadir iyo Gobolada Dalka oo dhan.

Sidoo kale Xildhibaan Khalid Macow ayaa sheegay in Dadka Maanta la siiyay Deeqda ay ka mid ahaayeen Dadka gargaarka noocaan oo kale ah u baahan ee ku nool Magaalada Muqdisho.

Qeybintan ayaa qeyb ka noqoneysa Caawinaad ay Hay’adda Hormuud Foundation ka waday Guud ahaan Gobalka Banaadir iyadoo lagu caawinayo Dadka Danta yar iyo kuwa Tabaaleysan ee ku nool Muqdisho si ay uga faa’ideystaan Fadliga Bishara Barakeysan ee Ramadaan.

c794e0ce-aaef-4387-99d6-8575d42094d2.jpg 62c92288-c273-4604-af8a-2cab27375f54.jpg 146ae771-ff27-43bb-b836-a45116f87d6b.jpg dfa79f3a-3bc7-4f4b-8997-66ca6aebc69f.jpg a82bcd08-36dc-4320-adac-a390b0a32750.jpg 763011ee-4c24-4d0a-981f-d29ed9566b8c.jpg 0c01cd41-c20c-4f0b-abaf-55b0a1d62093.jpg d1ddba16-df5c-437f-9ebf-fb34a1165cde.jpg 41a02c83-ed0e-4295-98cf-781c5faff412.jpg c10d8a3d-138f-4fa0-83a3-8f039a1659c1.jpg b20706ef-5c5e-4bc9-a06a-fe590ece480c.jpg bd1d481b-19aa-4afb-807e-d36db844008c.jpg 2641cce7-92dd-4d11-94b6-b6fe46b1f81e.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this