Sign in to follow this  
Deeq A.

Weeraro iyo qaraxyo ay qorsheynayaan kooxda Al-Shabab oo laga war helay

Recommended Posts

Deeq A.   

Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa shaacisay inay ka warheshay xaqiiqooyinka dhanka amaanka ah, kadib markii sirdoonka dalkaasi ay laamaha amaanka la wadaageen qataro ku wajahan Kenya.

Booliska dalka Kenya ayaa lagu wargeliyay qataro dhanka amaanka ah oo Al Shabaab damacsan yihiin, waxaana ciidamada Booliska dalka Kenya la geliyay heegan iyo feejignaan qorshaha Al Shabaab kaga hortagayaan.

Afhayeenka ciidamada Booliska dalka Kenya Charles Owino oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in ciidamada amaanka ee booliska heleen xogo dhanka amaanka ah oo la isku haleyn karo.

Sidaasi daraadeed ayuu sheegay in la geliyay heegan buuxa, si shacabka ay kaga difaacaan weerarada kaga imaanaya Al Shabaab.

Afhayeenka ayaa sheegay inay aad u adkeeyeen goobaha ay ku cibaadeystaan dadweynaha, sida masaajidda Muslimiinta ku dukadaan iyo Kaniisadaha oo ay tageen dadka aan Muslimka aheyn.

Sidoo kale wuxuu sheegay in ciidamo badan oo boolis ah la geeyay magaalooyinka waaweyn ee dalka Kenya, si loo difaaco dadka shacabka ah.

June 2014kii, 150  qof ayaa dhimatay markii ay Al–shabaab weerarro ka geysteen gudaha Dalka Kenya iyada oo lagu jiray xilli Ramadaan ah.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this