Deeq A. Posted May 16, 2019 Muqdisho (SMN) –Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ubax dhigay taallada SYL ee magaalada Muqdisho oo lagu maamuusayo dhallinyaradii 13-ka ahaa ee aasaasay ururkii gobannimo-doonka Soomaaliyeed ee SYL. Madaxweynaha ayaa intaas kaddib waxa uu kala qayb galay boqollaal dhallinyaro ah oo ka kala yimid guud ahaan deegaannada dalka munaasabad lagu qabtay Taliska Gaadiidka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, taas oo ay ugu dabaal degayeen 76-sano guuradii ka soo wareegtay aasaaska Ururkii Dhallinyarada Soomaaliyeed ee SYL. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka sheekeyay Taariikhdii Dheerayd ee halgankii Dalka, isagoo Tilmaamay in ay Dhalinyaradaasi umadda u shideen shumacii xoriyadda. Madaxweyne Farmaajo ayaa yiri, “Dadaalkoodu waxa uu ku hirgalay waa qabyaaladda ay ka fogaayeen iyo sida ay u aaminsanaayeen midnimada.” Dhianaca kale Farmaajo ayaa ka hadlay shirkii Garowe iyo sababaha ka lifay in lagu soo kala tago, arintaasina waxaa uu sheegay in ay ku timid isfaham la,aan hareysay Madaxda Qaranka iyo kuwa Dowlad-Goboleedyadda. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa balan qaaday in aysan jiri doonin mudo kororsi, islamarkaana aysan aqbali doonin Dowladiisa hal maalin xitaa in waqti lagu darsado Doorashooyinka Qaranka iyo kuwa Dowladgoboleedyadda. Dhinaca kale waxaa uu ku eedeyay Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle (Xaaf) isagu in uu masuul ka yahay in wax Dib-uheshiisiin ah aysan ka dhicin Deegaanada Maamulkaasi. View the full article Share this post Link to post Share on other sites