Sign in to follow this  
Deeq A.

Xubno QM ah oo Muqdisho kula kulmay Madax ka tirsan Dowladda.

Recommended Posts

Deeq A.   

 Muqdisho (SMN): –Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdulqaadir Axmed-kheyr Cabdi, ayaa ku  qaabilay xafiiskiisa Wakiilka cusub ee Hey’adda Qaramada Midoobey ee Caruurta (UNICEF) u qaabilsan Soomaaliya, Mudane Werner Schultink.

Wasiiru dowlaha ayaa soo dhoweeyay wakiilka cusub ee UNICEF, waxa uu kala hadlay howlgalkiisa iyo howlaha hey’adda ee dalka, si gaar ah barnaamijyada bulshada, waxbarashada iyo caafimaadka si loo gaaro horumar lagu yarayn karo dhibaatada la soo gudboonaata caruurta.

Sidoo kale labadda Masuul ayaa ka wada arinsadey arimo ay ka mid yihiin Howlaha baaxada-leh ee ay QM Soomaaliya ka fuliso, iyo sidii loo dardargalin lahaa.

Dowladda Soomaaliya ayaa dadaal badan ku bixisa Hagaajinta Xiriiradda Caalamiga ah ee Dibadda, si loo gaaro hadafka uu Dalku hiigsanayo oo ah Hormar iyo dhaqaale, arimahasina waxa ay ku imaan karaan sida Madaxda Qaranku ay tilmaameen iyadoo la helo Maalgashiyo Caalami ah.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this