Sign in to follow this  
Deeq A.

Booliska Soomaaliya oo baaraya Dadkii banaanka keenay Sirta Imtixaanaadka.

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) –Taliyaha Ciidamadda Booliiska Soomaaliyeed Sarreeye-Gaas Bashiir Cabdi Maxamed ayaa sheegay Ciidamaddu in ay wadaan baaritaano hordhac, ah oo ay ku doonayaan in ay ku ogaadaan shaqsiyaad lagu tuhun sanyahay in ay lug ku leeyihiin Imtixaanaadkii Dowladda ee sirtooda banaanka la dhigay.

Taliye Bashiir ayaa tilmaamay dadka falkaas sameeyay in ay u gafeen Shacabka Soomaaliyeed guud ahaan gaar ahaan Qaranka, Ardeyda, iyo Ganacsatadii ay shaqooyinkooda ku xayirmeen.banaan bixii ka dhacay Muqdisho.

Sidoo kale Hogaanka Booliska Soomaaliyeed ayaa hoosta ka xariiqay in Maxkamad lasoo taagi doono cidii uu ku cadaado danbigaasi.

Wasiirka Waxbarashadda Soomaaliya Mudane Cabdulaahi Goodax Barre ayaa dhawaan soo saarey go’aan waxba kama jiraan ka dhigaya Imtixaankii laga qaaday  Ardeyda Shahaadiga ah ee Sanad-Dugsiyeedkan maadama sida uu tilmaamay banaanka loo saaray sirtii Imtixaanka Dowladda’

Sidoo kale Wasiirka ayaa sheegay in 27ka bishan lagu celin doono gabi ahaanba Imtixaankii, talaabadaasina waxaa ay ka careysiisay Ardey badan oo dibadbaxyo rabshado wata ka dhigay Muqdisho iyo Magaalooyin kale.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this