Sign in to follow this  
Deeq A.

Reer Galbeedka Oo Xamaan Ururrsanaya Ciraaq, Ka Dib Xiisadda IRAN Iyo Maraykanka

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Ciraaq)-Dawladaha Netherlands iyo Jarmalka ayaa joojinaya Hawl-gallo ay ka wadeen Dalka Ciraaq, ka dib markii ay soo baxeen Cabsi amaan-darro.

5cdc0e5cfc7e931f5f8b4583.jpg

Telefiishanka RT ayaa baahiyey in Dawladda Netherlands ay Jarmalka ku raacday inay joojiyaan hawl-galladii ay ka wadeen Ciraaq, hawl-galladaasi oo ay ka mid ahayd Tababbaro ay siinayeen Ciidammada Ciraaq, iyagoo taageeraya Maamulka Dalkaasi.

Warka sheegaya in Holland joojinayso Hawlihii ay Ciidammadeedu ka wadeen Ciraaq ayaa soo baxay, ka dib markii ay kor u kacday Xiisadda u dhaxaysa Maraykanka iyo Dalka ay Ciraaq jaarka yihiin IRAN.

Wasiirka Difaaca ee Jarmalka ayaa goor sii horraysay ku dhawaaday inay joojiyeen hawl-galladii ujeeddadoodu ahayd Tababbarrada Ciidammada Ciraaq, laakiin tallaabadan ayaa ku xidhiidhsan Xiisadda Maraykanka iyo Iran oo Gobolka laga dareemayo.

Wakaaladda Wararka ee Holland, ANP news agency ayaa baahisay go’aanka Holland ee ah inay joojisay Hawl-galladii ay ku taageeraysay Dalka Ciraaq.

Dhanka kale, Warka Jarmalka iyo Holland ayaa soo baxay, ka dib markii Maraykanku uu shaqaalihii ka joogay Safaaraddiisa Baqdaad iyo Qunsuliyaddiisa ku taalla Erbil uu ugu baaqay inay sida ugu deg-degga badan uga baxaan.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this