Sign in to follow this  
Deeq A.

HARGEYSA: Ciidamada Dab-Demiska Somaliland Oo Maanta Badbaadiyay Ilmo Yar Oo Lagu Riday Suuli+SAWIRRO

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Ciidamada Dab Damiska Somaliland ayaa maanta soo badbaadiyay wiil yar oo umul ahaa, ka dib markii lagu dhex riday suuli.

Dhacdadan oo argagax gelisay bulshada ayaa waxay maanta ka dhacday xaafadda October ee Magaalada Hargeysa.

“Maanta waxaa noo timid haweeney naga codsatay in suuli la siiyo, markii ay gashay, ayna baxday waxaanu maqalnay ilmo yar ooynaaya, inaganu waxaan ku wargelinay Ciidamada Dab Damiska.” Ayay tidhi haweeney u hadashay dadkii guriga deganaa.

Ciidamada Dab Damiska oo suuliga burburiyay ayaa ka soo saaray canugii yaraa, iyagoona u qaaday goobaha caafimaadka, si lagula tacaalo xaaladiisa caafimaad.

Ilmahan yar oo 24 saac oo keliya jiray ayaa waxaa kiiskiisa la wareegay Ciidamada Dembi Baarista Somaliland. 

1557934651-8880758755cdc323bb9e1a-Yaab.j 1557934652-14368389225cdc323c85458-Yaab1 1557934654-361566615cdc323e1bc65-Yaab2.j 1557934655-17087739115cdc323fd46a8-Yaab3 1557934656-2368915955cdc324081615-Yaab4. 1557934658-18875472625cdc3242242c2-Yaab5 1557934659-8949673685cdc324329236-Yaab6. 1557934660-16301353075cdc3244401ef-Yaab7 1557934661-8449728325cdc324529347-Yaab8.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this