Sign in to follow this  
Deeq A.

Nin Soomaali Ah Oo Maxkamad Ku Taalla Dalka Australian U Qirtay Inuu Weerar Geysan Lahaa

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Victoria)-Maanta oo Arbaca ah, waxaa Maxkamadda Sare ee Gobalka Victoria ee dalkaasi waxaa la soo taagay Cali Khaliif Cali Shire oo 22-jir ah, kaasi oo lagu eedeynayo inuu qorsheynayey inuu weerar ka geysto Barxad lagu qaban lahaa Dabaaldegga dhalashadda Sannadkii 2018-kii.

ALI-KHALIF-02.jpg

Qareenkiisa oo lagu magacaabo Jarrod Williams ayaa waxa uu Maxkamadda horteeda ka xaqiijiyey qirashadiisa.

Cali Khaliif Cali Shire oo ah muwaadin haysta dhalashadda Australia ayaa waxaa lagu soo oogay Eedeymo la xidhiidha in muddadii u dhexeysay bilihii March iyo April ee sannadkii 2017-kii uu diyaariyey qorshe uu ku weerari lahaa fagaaraha Federation Square bishii December 31-dii ee isla sannadkaasi.

Boliska waxay dhegeysan jireen Mobaylkiisa ilaa bishii October ee sannadkii 2016-kii, sida laga sheegay dhegeysiga Guddi Maxkamadeed.

Eedeysanaha waxa uu ku jiray gacanta Booliska tan iyo bishii November ee sannadkii 2017-kii, xilligaasi oo ay Booliska ka soo qabteen dhismo laga dukaamaysto.

Eedeysanaha, Ali Khalif Shire Ali, waxa uu maanta ka soo hor muuqday Maxkamadda Sare ee Gobalka Victoria ee dalkaasi, si uu u qirto baadhitaanka ku aadan qaabka uu ku helay hubka iyo rasaasta iyo diyaar-garowgiisa qorshaha uu weerarka ku geysan lahaa dabayaaqadii sannadkii 2017-kii.

Xeer-beegtida Maxkamadda waxaa la sheegay inay kulan kale ka yeelan doonaan dhegeysiga qirashadiisa iyo xukunkiisa bisha August ee sannadkan.

Dhinaca kale, Ali Khalif Shire Ali waxay walaalo ahaayeen Xasan Khaliif Shire Cali, kaasi oo ay Booliska Australia toogteen bishii November 9-diiee sannadkii hore, xilli uu gaadhigiisa dab qabadsiiyey, isla markaana uu 3 qof ku tooreeyey badhtamaha Degmadda Ganacsiga ee magaalada Melbourne.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this