Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Soomaaliya oo cambaareysay weerarro shalay Sacuudiga lagu qaaday

Recommended Posts

Deeq A.   

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxay si adag u cambaareynaysaa, weerarkii argagixiso ee loo adeegsaday diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee miinaysan, kuwaasi oo lala beegsaday goobaha Saliidda laga soo saaro ee Duwaaddimi iyo Cafiif oo ku yaalla bartamaha boqortooyada Sacuudi Carabiya.

Soomaaliya, waxay falalka noocan ah ee kharbudaadda ah u aragtaa, mid halis ku ah nabadgelyada gobolka, waxaana ay xoojinaysaa in ay si buuxda u garab-taagantahay, boqortooyada Sacuudi Carabiya ee hoggaan, xukuumad iyo shacaba u heellan in ay ka hortagaan isku-day kasta ee lagu waxyeellaynayo amniga Qarankooda.

Halkaan ka akhriso Carabiga

FB_IMG_1557934298614.jpg?w=1000&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Dowladda Soomaaliya oo cambaareysay weerarro shalay Sacuudiga lagu qaaday appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this