Deeq A. Posted May 15, 2019 Muqdisho (SMN) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa u magacaabay Dr. Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade) inuu noqdo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. “Waxaan maanta u magacaabay Dr. Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade) inuu noqdo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada. Intii uu kamidka ahaa La-taliyeyaashayda, wuxuu Dr. Fuursade muujiyay inuu yahay shakhsi hufan oo daacadnimo iyo hawlkarnimo ay u dheertahay, waxaana Alle uga baryayaa inuu xilkan culus u fududeeyo.” Madaxweynahu waxa uu sidoo kale u mahadceliyay Agaasimhii hore Madaxtooyada Marwo Drs. Aamin Saciid Cali oo uu ku tilmaamay in ay ahayd qof waqti badan galisay u adeegidda dalka iyo dadka. View the full article Share this post Link to post Share on other sites