Sign in to follow this  
Deeq A.

Waare oo tallaabo yaab leh ka qaaday gaadiidley ka diiday arrin uu ka codsaday

Recommended Posts

Deeq A.   

Jowhar (Caasimada Online) – Maamulka Gobalka Sh/dhexe ee HirShabelle ayaa tallaabo la yaab leh ka qaaday Baabuurta dadweynaha ee ka dhex shaqeeyo inta u dhaxeyso Jowhar iyo Muqdisho kadib markii ay Shalay diideyn inay qaadaan dadweyne badan oo la doonayey inay Garoonka Diyaardaha kusoo dhaweeyaan Madaxweynaha HirShabelle Maxamed Cabdi Waare oo Shalay halkaas gaaray.

Maamulka Gobolka Shabeelada Dhexe ee hoos tago Hirshabelle ayaa ku dhawaaqay inay shaqo joojin ku sameeyeen gawaarida dadweynaha ee isaga goosha inta u dhaxeyso Jowhar iyo Muqdisho.

Sida ay Caasimadda Online xogta ku heshay sababta ka dambeysay xayiraadaan ayaa lagu sheegay in qaar ka tirsan gaadiidleydaas ay shalay diideen in ay qaadaa ndad shacab ah oo Garoonka Diyaaradaha Jowhar kusoo dhaweeyey Maxamed Cabdi Waare madaxweynaha Hirshabelle.

Sababta ku kaliftay Gaadiidleyda inay diidaan qaadista dadweynahaas ayey ku sheegeyn cabsi ay Al-Sabaab ka qabaan haddii ay qaadaan dadka soo dhaweynayo madaxda Hirshabelle, maadaama arrintaas horey loo sheegay in looga digay.

Gaadiidleyda ayaa ku dooday in jidka ay ka shaqeeyaan ee isku xira Jowhar iyo Muqdisho ay ka buuxaan ciidamo ka tirsan AL-Shabaab kuwaas oo ku hanjabay inay gubi doonaan Baabuurtii la shaqeyso maamulka darawadana ay ka qaadi doonaan tallaabo sharci ah.

Amarka gaadiidka Shaqada looga joojiyey ayaa waxaa lasoo sheegayaa inuu kasoo baxay Maamulka Gobolka Shabeelaha Dhexe oo si weyn uga carooday inay Gawaarida diidaan qaadista dadweynaha soo dhaweynayo Madaxweynaha Hirshabelle.

Gaaliidleyda ayaa codsaday in shaqadooda loo fasaxo isla markaasna go’aankaas uu yahay mid ay aad uga xumaadeen.

Kooxda Al-Shabaab  ayaa bilihii ugu dambeysay waxay aad ugu soo xoogeysteen jidka u dhaxeeyo Muqdisho iyo Jowhar, waxayna halkaas ka fuliyeen dhowr weerar sidoo kalana waxay jidkaas ku gubeen baabuur ay lahaayeen dad shacab ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this