Deeq A. Posted May 15, 2019 (SLT-Washington)-Wasaaradda Arrimaha Dibedda Mareykanka ayaa maanta ku amartay dhammaan shaqaalaheeda laga maarmi karo inay ka baxaan safaaradeeda Baghdad iyo qunsuliyadda Arbil ee dalka Iraq, xilli ay sare usii kaceyso xiisadda ka dhex oogan Mareykanka iyo Iran. Washington ayaa maalmihii dhowaa sare u qaaday cadaadiska ay ku hayso Tehran, ayada oo Iran ku eedeysay inay qorsheeneyso weerar soo socda oo ay ka fulineyso gobolka. “Kooxo argagixiso iyo muqaawamo oo dhowr ah ayaa ka shaqeynaya Iraq, waxayna si joogto ah u weeraraan ciidamada iyo shacabka Iraq” ayaa lagu yiri digniinta socdaal ee ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibedda. “Maleeshiyo diimeedyada kasoo horjeeda Mareykanka ayaa sidoo kale helis gelin kara muwaadiniinta Mareykanka iyo shirkadaha reer galbeedka ee Iraq ku sugan” Dowladda Mareykanka ayaa sanadkii tagay xirtay qunsuliyadeeda magaalada Basra oo dibadbadbaxyo xoogan ay ka dhaceen, waxayna ciidamada Iran ay taageerto ku eedeysay inay si aan toos ah usoo weerareen. Xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka, Mike Pompeo ayaa toddobaadkii tagay booqasho aan la fileyn ku tagay magaalada Baghdad si uu u xoojiyo xiriirka Iraq, ka hor inta Mareykanka uusan Iraq saarin cadaadis xooggan. Source Share this post Link to post Share on other sites