Sign in to follow this  
Deeq A.

Maamulka Gobalka Sh/Dhexe Oo Shaqo Joojin Ku Sameeyay Gaadiidka Muqdisho Iyo Jowhar

Recommended Posts

Deeq A.   

Maamulka Gobalka Sh/dhexe ee Hirshabelle ayaa shaqa joojin ku sameeyay dhamaan gaadiidka qaada dadweynaha kuwaas oo istaacmaala inta u dhaxeysa Muqdisho iyo Jowhar wadada xariirisa.

Sababaha gaadiidkaan shaqada looga hor istaagay ayaa ah in Qaar ka mid ah gaadiidleyda Magaalada Jowhar ay shalay ka biyo diideen in ay qaadaan dad shacab ah oo Garoonka Diyaaradaha Magaalada Jowhar shalay ku soo dhaweeyay Madaxweynaha Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare.

Gaadiidleyda ayaana Sabab uga dhigay arintaasi in ay jirto cabsi ay Al Shabaab ka qabaan haddii ay qaadaan dadka soo dhaweeya Madaxda.

Amarka gaadiidka shaqada looga joojiyay ayaa la sheegay inuu ka soo baxay Masuuliyiinta Maamulka Gobolka Shabellaha Dhexe oo ka carooday diidmada gaadiidleyda shalay ay sameeyeen.

Qaar ka mid ah gaadiidleyda ayaa Warbaahinta waxa ay u sheegeen inay aad uga xumaadeen go’aanka ka soo baxay Maamulka Gobolka islamarkaana ay dalbanayaan in shaqadooda loo fasaxo si ay u wataan shaqadoodii la joojiyay.

Ammaanka wadada xiriirisa Muqdisho & Jowhar ayaa noqotay mid faraha ka baxday, kadib markii wadadaasi ay ku bateen weerarada Shabaab ay ka fuliyaan halkaasi.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this