Deeq A. Posted May 15, 2019 Marka (SMN) – Ciidanka Guutada 14-ka Oktoobar ee Xoogga Dalka ayaa Howlgal qorsheysan ka fuliyay Wadada isku xirta Magaalada Marko, Nambar 50, Laanta Buure iyo Muure oo aan la marin mudo ku dhow 7 sano. Howlgalkan ayaa ahaa mid Miinooyin looga saarayay wadadaasi oo muhiim u ah dadweynaha. Inta uu Howlgalka socday ayaa waxaa lagu soo saaray dhowr Miino, sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka. Taliyaha Guutada 14 Oktoobar Gaashaanle Dhexe Axmed Cabdi Cali Axmed (Gaashaan) oo howlgalka horkacayay ayaa Warbaahinta u sheegay in Wadada isku xirta Marko, Afgooye ilaa Muqdisho ay Howlgalo ay kasameeyeen ku guuleysteen haatana nadiif ay tahay islamarkaasna shacabka Soomaaliyeed ay si Nabad ah ugu safri karaan. View the full article Share this post Link to post Share on other sites