Sign in to follow this  
Deeq A.

HARGEYSA: Diyaarad Ay Leedahay Shirkadda Air Arabia Oo Shimbiro Xanibeen

Recommended Posts

Deeq A.   

Diyaarad ay leedahay shirkadda Air Arabia oo maalintii subaxnimadii Shalay 156 rakaab ah ka qaadi lahayd garoonka diyaaradaha Hargeysa ayaa waxa hakiyey Shimbiro gudaha u galay qaybo ka mid ah diyaaradda.

60176844_1352365634906692_15070117382041

Diyaaradda ayaa markii ay ka kacday garoonka oo inyar ay hawada ku jirtay ayaa Duuliyihi diyaaraddu dareemay cilad jirta, waxaana uu markiiba si deg-deg ah dib ugu soo fadhiisiyay Garoonka Hargeysa ee Cigaal.

Khuburrada Diyaaradda ayaa markii dambe sheegay in Diyaaraddu bad-qabto, balse Rakaabkii ayaa diiday sida ay HCTV u sheegtay mid ka mid ah Rakaabka diyaaradda raaci lahaa oo Cimrada u socotay.

Rakaabka ayaa saaka loo kala qaybiyay laba qaybood.

120 ka mid ah oo u socday in ay soo Cimraystaan ayaa saaka la saaray Diyaaraddii ciladda looga shakiyay, balse hadda la sheegay in ay bad-qabto, 36 kale oo u socday isu-tagga Imaraadka Carabtana waxa la saarayaa Diyaarad kale.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this