Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro:-Wasiir Cawad oo shir uga qeyb galay Stockholm

Recommended Posts

Deeq A.   

Stockholm (SMN) – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad, ayaa ka qeybgalay Madasha lixaad ee Stockholm ee Nabadda iyo Horrumarka oo laga furay Magaalada Stockholm ee dalka Sweden, iyada oo ay ka qeybgalayaan tiro ballaaran oo ah siyaasad sameeyeyaal, cilmi baarayaal iyo dad xirfad sare leh.

Madasha oo sanadle ah, qaban-qaabadeeduna uu leeyahay Machadka Caalamiga ee Stockholm ee Cilmi-baarista Nabadgelyada (SIPRI), ayaa sanadkan diiradda lagu saarayaa mowduuca ku saabsan  ‘Ka jawaab celinta dhibaatooyinka si nabadda loo dhiso: ka guul-keenidda wadajirka’.

Madasha oo seddex cisho socon doonta (14-16 May) ayaa Mudane Danjire Axmed Cawad ka jeedin doonaa hadallo dhowr fadhi oo wadatashiga ka mid ah oo ay kala qeybqaadanayaan Wasiirro iyo wakiillo caalami ah oo ay ku fallanqayn doonaan nabad dhisidda, deganaanshaha iyo horrumarka.

FB_IMG_1557886273375.jpgFB_IMG_1557886266666.jpgFB_IMG_1557886269961.jpg

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this