Sign in to follow this  
Deeq A.

Dagaal xoogan oo xalay ka dhacay gobolka Sh/ Hoose

Recommended Posts

Deeq A.   

Qoryooley (SMN) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Hoose ayaa ku warramaya in Xalay Al Shabaab iyo Ciidamada dowladda ay ku dagaalameen degmada Qoryooley ee gobolkaasi.

Dagaalka ayaa yimid, kadib markii Dagaalyahannada Al Shabaab ay weerar ku qaadeen fariismo Ciidamadaasi ay ku leeyihiin degmadaasi.

Ilo deegaanka ah ayaa sheegay in dagaalku oo socday muddo kooban la’isku adeegsaday hubka nuucyadiisa kala duwan.

Ma cadda khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dagaalkaasi iyo weerarka ka horreeyay intaba.

Xaaladda ayaa saaka dagan, waxaana meelihii lagu dagaalamay ku sugan Ciidamada Milatariga dowladda federaalka Soomaaliya.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this