Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiir Goodax Barre oo sheegay in lala xisaabtami doono shaqsiyaadkii xaday Imtixaanka

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN ) – Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta Sare XFS Mudane Cabdullaahi Goodax Barre  ayaa ka warbixiyay cidda ay tuhunsan yihiin in ay ka dambeysay Xadida  Imtixaankii Shahaadiga ee la ogaaday in Ardayda ay heleen.

Mr Cabdullaahi Goodax Barre ayaa shaaca ka qaaday in ku raad joogaan shaqsiyaadkaasi ayna soo bandhigi doonaan kadib markii la ogaado si sharciga loola tiigsado.

Waxaana uu cadeeyay in arrintaas ay kala kaashanayaan Laamaha ammaanka dowladda Federaalka Soomaaliya.

Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda  Somalia ayaa Habeen ka hor soo saartay go’aan ay ku kansashay gebi ahaan imtixaanaadkii shahaadiga ee ay soo galeen Ardayda maadaama ay heshay Macluumaad la xiriira in Imtixaankaasi uu faraheeda ka baxay.

Go’aankaas ayaana sababay dibadbaxyo ballaaran oo ka dhan ah Wasaaradda hayeeshee Wasaaradda Waxbarashada , Maamulka gobolka Banaadir iyo dalladaha Waxbarashada dalka oo shir deg deg ah shalay yeeshay ayaa isku afgartay in Imtixaankaasi dib loogu celiyo si Ardayda looga qaado Imtixaan hufan

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this